Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooganaa oo Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda iyo Al-Shabaab Maanta ku dhexmaray degaanka Ceel-macaan oo kuyaalla wadada xiriirsa degmada Jalalaqsi iyo Magaalada jowhar ee Gobollada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada degaanka ee macawiisleyda ay howlallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen degaanka Ceel-macaan & degaannada kale ee hoostaga degmada Jalalaqsi ay kula wareegeen kadibna ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab

Cumar Cismaan Coon (Garabeey) oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka Ciidamada Macawiisleyda ayaa sheegay in intii ay kujireen howlgallada ay Al-Shabaab isaga baxeen degaannada Galbeed ee degmada Jalalaqsi, sida Ceel-macaan, Maansheerka iyo Mitirka Ceelooy, isla markaana Ciidamada ay sinabad ah kula wareegeen.

Wuxuu sheegay in dagaal kooban oo saaka ka dhacay aaga degaanka ceel-macaan ay suurto gashay inay si dirqi ah kaga badbaadaan rag katirsan Al-Shabaab oo watay Mooto, kuwaas oo lagu arkay degaanka, isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalka.

Ugu dambeyn  Afhayeenka Ciidamada Macawiisleyda Gobolka Hiiraan wuxuu sheegay inay siiwadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa inta degaannada iyo demooyinka Gobolka Hiiraan ka saarayaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here