Ciidamada ammaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgallo culus waxaa ay ka sameeyeen Xeebaha degaanada Maamulkaasi, waxaana ay kusoo qabqabteen shaqsiyaad isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Howgallada oo ahaa ku qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Cutubyada Badda ee Ciidamada PMPF, waxaana howgalada intooda badan laga fuliyay guud ahaan Xeebaha Degmooyinka Puntland.

Advertisement

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay  Maraakiib, Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii.

Gaadiidkan badeed ee ciidanku qabteen waxa ay isugu jireen kuwo sifo sharcidaro ah u kalluumaysanaayey, kuwo looga shakiyey Burcad Badeed iyo kuwo aan haybtooda la aqoon.

Ciidamada ayaa intaasi ku daray in howgaladaan ay sii socon doonaan, isla markaana xeebaha maamulka Puntland si joogta ah ay kaga sii socon doonaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah kaga kaluumaysta baddaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here