Dowladaha Soomaaliya iyo Swededn ayaa kala saxiixday Heshiis is af-garad ah oo ku aaddan arrimaha Hantidhowrka, heshiis kaasi oo socon doono muddo 5 sano ah.

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS.

Advertisement

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga Waaya-aragnimada iyo xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka (𝐏𝐞𝐫𝐟𝐨𝐫𝐦𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐀𝐮𝐝𝐢𝐭) oo kamid ah Baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFS

XHG oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay Waaxda Baarista Waxqabadka, isaga oo Bangiga Aduunka iyo Bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta Waaxda Baarista Waxqabadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here