Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in hub ka dhigis lagu sameeyay ciidamada kasoo jeeda qowmiyada Tigrey ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaa oo qaarkood kamid yihiin ciidamada AMISOM..

Ilo amni oo la hadlay Wakaalada Reuters ayaa sheegay in hub ka dhigis lagu sameeyay lana xiray 200-askari oo kasoo jeeda qowmiyada Tigrey kuwaa oo looga cabsaday in saameyn ku yeesho duulaanka ciidamada federaalka ku qaadeen gobolka Tigrey.

Xubnaha kasoo jeeda qowmiyada Tigrey ee hubka laga dhigay lana xadiday dhaq dhaqaaqooda ayaa waxaa ku jira Taliye kuxigeen ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ka soo jeeda Tigrey, waxaa sidoo kale hub ka dhigis lagu sameeyay saraakiil sar sare oo kale.

Ad by Valueimpression

Itoobiya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo isugu jira kuwa qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM iyo ciidamo kale oo si caadi ah dalka usoo galay ugana howlgalada degmooyin iyo deegaano dowlada Soomaaliya hoostaga.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo ciidamada daacad u ah maamulka Tigrey ayaa saameyn badan abuuray, waxa ayna dhalisay in laga shakiyo ciidamada Tigrey ee qeybta ka ah ciidamada federaalka ee jooga gudaha Itoobiya iyo Soomaaliya

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here