Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle .

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa al shabaab ugu daatay godadkii ay isku qarinayeen.

Qaybaha kale ee Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa iyana hawlgalkaan ka qaatay door muhiim ah.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob aad muhiim ugu ah alshabaab wuxuuna si gaar ah ugu ahaa ilo dhaqaale oo ay ku uruursadaan xoolaha baadda ah ee ay ka dhacaan shacabka Soomaaliyeed.

Xoraynta deegaankaan alshabaab waxaa uga dhimatay in ka badan 100 ka tirsan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Sida muuqata goon kasta oo ay isku fara saaraan alshabaab iyo Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka waxaa uharaya Ciidanka Qaranka iyo shacabka, taas oo ah fariin cad oo muujinaysa guuldarooyinka waaweyn ee ay tunka u ridaneyso Alshabaab

Tani waa ififaalo muujinaya in waqti aan dheerayn uu dalku ka xoroobayo alshabaab ku tagtifalaysay Shacabka Soomaaliyeed inka badan 15 Sano ee lasoo dhaafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here