Waxaa Magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay ka socday kulan u dhaxeeya saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran, kuwaas oo diidanaa muddo korarsigii laga laabtay ee Golaha Shacabka u sameeyeyay.

Kulankaan oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa waxaa ka Qeyb galay saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamada Badbaado Qaran waxayna kulankaas ku doorteen guddi ka kooban 7 xubnood oo isugu jira qeybaha ciidamada, kuwaas oo iska dhax doortay guddoomiye, ku-xigeen iyo afhayeen.

Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Janaraal Cali Cosoble Caraay (Gacma-dule), halka ku xigeenna loo doortay Janaraal Indha Cade, ayada oo afhayeenka oo loo doortay Gaashaanle Diini Rooble Axmed.
.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here