Ciidamo Gadood ka sameeyey magalada Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan saakay la wareegeen xarunta Wasaarada Kaluumeesiga Puntland ee kutaala magaalada Boosaaso.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada la wareegay xarunta Wasaarada Kaluumeesiga Puntland ayaa ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday, waxa ayna ciidamada diideen in lagalo ama laga baxo xarunta Wasaarada.

Ciidamada ayaana dalbaday in marka hore helaan xaquuqda ka maqan, waxa ayna sheegeen in mushaar la’aan ka cabanayaan ayna waayeen cid arintooda wax ka qabata taasina ay keentay gadoodka ay sameeyeen.

Xarunta Wasaarada Kaluumeesiga Puntland ee ciidamada la wareegeen ayaa la sheegay in ay ku go’doonsan yihiin masuuliyiin katirsan Wasaaradaasi, waxaana socda dadaalo arintan gadoodka keentay xal loogu raadinayo.

Gadoodkan ay sameeyeen ciidamada Puntland qaarkood ayaa kusoo aadaya xili maanta magaalada Garawe kusoo wajahan yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo mudo bil ka badan ka maqnaa deegaanada maamulkaas

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here