Home WARKII Ciidamo katirsan Gorgor oo rasaas ay fureen ku dhaawacay dad Shacab ah...

Ciidamo katirsan Gorgor oo rasaas ay fureen ku dhaawacay dad Shacab ah Muqdisho

0

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo Milatari ah gaar ahaan kuwa Gor-Gor kana yimid dhinaca degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa laba qof oo shacab ah ku dhaawacay Isgoyska Fagax ee Muqdisho.

Ciidamadaan oo la socday gaadiid aad u fara badan ayaa riday rasaas aad u farabadan, iyada oo labada qof uu dhaawaca soo gaaray ay kala ahaayeen haweeneey  & Wiil darawal Mooto Bajaaj ahaa.

Dhibanayaasha ayaa loo qaaday xarumaha caafimaad ee goobta ka dhaw, si xaaladooda loogu soo dabiibo, waxaana ciidamada Gorgor ay iska sii wateen socdaalkoodii.

Ciidamada Gor-Gor ee ka yimid dhinaca degmada Balcad ayaa u jiheystay dhinaca beri ee Muqdisho, iyadoo loo maleynayo in ay ku biiri karaan ciidamada dowladda ee ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe.

Dhowr daqiiqo ayuu hakad galay isku socodka dadka & gaadiidka ee Isgoyska Fagax, waana intii ay marayeen Ciidamada oo ridayey Xabado tiro beel ah, taas oo dadka cabsi ku abuurtay.

Waxaa xusid mudan in sidaan oo kale Jimcihii todobaadkii hore ciidamo kasoo laabtay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo Isgoyska Fagax marayey ay ku dhaawaceen Wiil dhallinyaro ahaa kadib rasaas ay fureen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here