Rag hubeysan kuna labisan dharka ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qaar kamid ah Sanaadiiqda loogu talagalay in ay ku codeeyaan Dadka ku sugan deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Puntland kaddib markii ay sheegeen in ay ka gadoodeen sida wax loo wado.
Ciidamadaan ayaa jidka u galay Sanaadiiq loogu talagalay in lagu codeeyo kuwaas oo loo waday Degmada Burtinle iyo deegaannada kale ee hoostaga oo aanay weli la geyn sanaadiiqdaas loogu talagalay in ay ku codeeyaan dadka isu diiwaangeliyay doorashada DG Puntland.
Mid kamid ah saraakiisha hoggaaminaya Ragga hubeysan ee gacanta ku dhigay Sanaadiiqda codbixinta ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu si toos u sheegay in aanay la aqbali doonin doorashooyin aan lagu wada qanacsaneen.
Waxa uu sheegay in ciidankaan qabtay sanaadiiqda codbixinta ay katirsan yihiin ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB, sababta keentay in siyaasadda ay faraha la galaan ay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen rabshado ka dhaca deegaannada DG Puntland waa sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa aan u sheegeynaa Bulshada Reer Puntland innaga oo katirsan Ciidanka Kumaandooska DANAB horayna uga soo horjeesanay Doorashada lagu muransan yahay ee Boobka ah ee qof iyo goriga ah ee ciidanka lagu gelinayo, waxaa caawa gacanta ku dhignay in badan oo kamid ah sanaadiiqdii Codbixiyaasha iyo warqadihii codbixiyaasha ee deegaanka burtinle & tuulooyinka hoos yimaada” ayuu yiri Sarkaalkaan aanay.
Muran siyaasadeed ayaa ka taagan Doorashada dadweyne ee Dowlad-Goboleedka Puntland iyada oo ururrada Siyaasadda ee muraacadka ku ah Xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ay diideen qaabka loo maamulayo.



