Kadib howlgal ay ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Mudug Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo kuwa Daraawiishta Galmudug  ayaa waxaa la sheegay inay ku qabteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo Xubno la socday.

Howlgalka ayaa waxaa saraakiil Ciidan ay sheegeen in uu ka dhacay Duleedka degaanka Cadalle ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo dhawaan ay tageen Xubno katirsan Al-Shabaab, isla markaana ay gubeen Guryo kuyaallay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku hayaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee waday Gaariga qaraxa sida, isla markaana baartaano dheeri ah ay ku sameyn doonaan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay doonayeen inay qaraxyo dhigaan Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo laakiin Ciidamada oo ka war helay ay waqti ku bixiyeen sidii Gacanta loogu dhigi lahaa ayna Suuro-gashay.

Degaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku hardamaya Ciidamada dowladda & kuwa Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, iyaga oo dhowr jeer ku dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here