Ciidanka Ururka 71aad ee Guutada 15aad oo burburiyay fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanada kala ah, Sina dhaqo, Labi dulle, Xin xawaal iyo tuulo Cali Qobo oo ku yaalla gobolka Galgaduud gaar ahaan dhan Aaga Dhuusamareeb.

Taliyaha Ururka 71aad ee Guutada 15aad Dhamme Mustaf Dahir Warsame ayaa hogaamiyey Ciidan katirsan Guutada kuwaas oo howlgal Saf balaaran ah kutagay deeganada kala ah Sina dhaqo, Labi dulle, xin xawaal iyo tuulo Cali Qobo oo ay Shabaab  ku duumalaysanaysay.

Ciidamada ayaa bur buriyey Fariisimihii kooxdaas waxayna ciidanku baacsadeen maliishiyaad kooxda ah oo firxaday kadib markii ay maqleen howlgalkan culus ee ay ciidanku wadaan.

Ciidanka xooga dalka gaar ahaan kuwa Guutada 15 aad ayaa maalmahaan xoojiyay howlgalada lagu soo afjarayo Al-Shabaab ah ee ku duumaalaysanayso deegaano hoos taga degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here