Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeen rag ka tirsan Al-shabaab oo falal amni darro ka geysan jiray Magaalada Muqdisho iyo hub ay wateen.

Saraakiisha Ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ragani ay ahaayeen Shabakad isku xiran kana tirsan Al-shabaab, isla markaasna ku soo qabteen howgal qorsheysan oo ay sameeyeen Muqdisho.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay hub ay xilligaasi wateen iyo Mooto Bajaaj ay ugu tala galeen in ay ku baxsadaan.

Sidoo kale, Ciidanka Nabad Sugida ayaa tilmaamay in ay weli ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsan Shabakadda caawa la soo qabtay.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here