Dagaal aad u qaraar ayaa hada ka socda deegaanka Dhurwaa-dheere oo qiyaastii magaalada Guriceel u jirta 85 Km,
Dagaalka ayaa u dhaxeeya Beelaha Mareexaan iyo Cayr,

Dagaalka oo bilaawday waxyar ka hor ayaa waxaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimashada iyo dhaawac soo kala gaartay labadii dhinac oo halka isku dagaalay,

Goob jooge ku sugan Dhurwaa_Dheere oo aan kula xariiray qadka telefoonka ayaa ii sheegay in uu arkay 5 qofood oo meeyda iyo 4 qofood oo dhawaaca kuwaas oo ay ka carareen beesha Mareexaan oo dagaalka soo qaaday, dhinaca kale qasaaraha soo gaaray beesha Cayr ayaa lagu sheegay 3 qof oo dhaawaca,

Waxaa socda Gurmad farabadan oo ka kala baxay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb kuwaa oo ku sii socda Deegaanka Dhurwaa_Dheere,

Dhanka Kale Waxaa gurmad uu ka baxay caabudwaaq uu gaaray Dhurwaa-dheere kuwaa oo ka baxay Degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale gurmadka deegaanadaas ka baxaa ayaa la sheegay in eey qeyb ka yihiin Baabuur ay ku buufisan tahay Astaanta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,

La.soco wixii ka soo kordha,

#By_Said_Osman_Gabayre
#Said_Yare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here