Dhagaysiga dacwadda kiiska badda ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa maalintii labaad soo soconeysa inkastoo Kenya ay sheegtay in ay ka baxday dacwadaas.

Qareenada difaacaya Soomaaliya ayaa maanta mar kale jeedin doona dooddooda, ayadoo sidii markii hore qorshuhu ahaa lagu waday in qareennada Kenya ay berri bilaabaaan doodooda balse haatan taasi aanay dhici doonin kaddib markii Kenya ay isaga baxday dhagaysiga dacwadda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo shaley hadal ka jeediyay maxakamadda ayaa sheegay in kalsooni ay ku qabaan Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, ayna ku rajo weyn yihiin iney Somalia guuleysato.

Dowladda Soomaaliya waxay intaas ku dartay in go’aanka Kenya ee ah in aysan ka qayb galin dhagaysiga kiiska badda ay lid ku tahay waajibaadkeeda iyo sareynta sharciga.

Maxkamada ICJ ayaa sheegtay iney ka xun tahay maqnaanshaha Kenya, balse waxay sheegtay iney soo socon doonto dhegeysiga dacwadan oo ay gudbisay Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here