Inta la xaqiijiyay laba dhalinyaro ahaa ayaa geeriyootay Barqanimadii Maanta kadib Shil gaari oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaari weyn oo Ciidamada xoogga dalka leeyihiin uu dul maray (jiiray) Mooto dhugdhugley ama Mootada labada lug leh oo ay saarnaayeen labada qof ee dhimatay, xilli ay marayeen kasoo horjeedka dugsiga Sheekh Xasan Barsane una dhow Magaayada Beder.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Goobta shilka ka dhacay ay gaareen Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyaga oo xabsiga dhigay
Askarigii waday gaariga ciidamada ee shilka galay, sidoo kalena goobta ka qaaday meydadka labada dhalinyarada ah.

Qaar kamid ah Ehellada labada dhalinyarada ah ayaa codsaday inay cadaalad u heleen shilka Gaari ee lagu dilay Wiilashooda, iyaga oo Madaxda Hir-Shabeelle ka dalbaday inay isha ku hayaan kiiskaas.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle oo aysan ku badneyn shilalka Gaari ayaa waxaa hadana burbur xoogan uu ka muuqdaa waddooyinka dhexmara Xaafadaha Magaalada, iyada oo Magaalada ay ku Shaqeeyaan Madaxda ugu sareeysa Maamulka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here