Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay xilli dambe waxaa ay weerar hoobiyeyaal ahaa ku qaadeen degaanka Biyo-cadde oo u dhow degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Guryo ay degan yihiin dad rayid ah oo kuyaalla meelo u dhow Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Biyo-cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ay Shabakadda dayniile heshay ayaa sheegaya in ilaa laba Ruux ay ku dhinteen laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood ahaa dad isku qoys ah oo Gurigooda uu ku dhacay Hoobiyaha degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS dhankooda ay tiro hoobiyeyaal ah uga jawaabeen weerarka madaafiicda ah ee lagu soo qaaday, waxaana mararka qaar la maqlayay rasaas ay is dhaafsanayeen dhinacyada Ciidamada ATMIS & Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here