Dadka loogu doon doonista badnaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen, Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Qadaafi iyo hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida Usaama bin Laadin.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa qorshe walba u sameyn jiray sidii ay ugu guuleysan lahaayeen hadafkaas.

Qof marka uu noqdo hoggaamiye waddan ama koox waxyaabaha uu fursadda u helo waxaa ka mid ah in la difaaco sharaftiisa oo amnigiisana la sugo. Taas ayaa adkeyneysay in horumar laga gaaro soo qabashadooda ama dilkooda.

Haddaba sidee ayay u dhaceen howlgalladii khaaska ahaa ee raggaas ka dhanka ahaa?

Howlgalkii lagu fuliyay Usmaama bin Laadin

Ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonka ee Mareykanka ayaa howlgal ay ujeeddadiisu ahyad in lagu xiro ama lagu dilo Usaamada bin Laadin. Ninkan oo ahaa hoggaamiyihii hore ee kooxda A-Qaacida ayaa loo heystay dambiyo uu ka mid yahay weerarkii Mareykanka ka dhacay September 11,2001.

Howlgalkan oo lagu magacaabay “Neptune Spear” waxaa la qorsheynayay muddo bilooyin ah. Laakiin daqiiqado kooban ayaa lagu fuliyay bishii May ee sanadkii 2011-kii.
Koox khaas ah oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ka safray dalka Afghanistan waxayna xilli saq dhexe ah gaareen meel 192km gudaha u ah dalka Pakistan oo uu ku dhuumanayay Usaama bin Laadin.

Ciidankan oo watay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) ayaa si deg deg ah u weeraray dhismaha la bartilmaameedsanayay, iyagoo halkaas ku toogtay shan ruux oo uu ku jiray Usaama bin Laadin.

Qiyaastii 40 daqiiqo kaddib way ka tageen goobta, iyagoo horay usii qaatay meydka Bin laadin iyo qalab kumbuyuutarro ah oo ay ku jirtay xogta sirdoonka ee kooxda Al-Qaacida iyo howlaha ay fulinayeen.

Waxay halkaas uga tageen dad kale oo la dilay, oo ay ka mid ahaayeen haweeney iyo mid ka mid ah carruurtii Bin Laadin. Waxay sidoo kale ka tageen koox ka kooban saddex haween ah iyo 13 carruur ah -11 wiil iyo 2 gabdhood – oo gacmaha laga wada xiray.

Howlgalkaas oo dhacay 2-dii bishii May waxaa ciidanka caawiyay iftiinka dayaxa oo si fiican wax loogu arkayay. Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas, Barack Obama ayaa soo bandhigay oggolaanshaha weerarka oo la bixiyay subaxnimadii Jimcada ee 29-kii bishii April.
Inta uusan howlgalka bilaabanin labo kooxood oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ayaa shan diyaaradood looga soo qaaday saldhigga Mareykanka ee magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan. Koox kale ka kooban 24 askari oo watay saddex diyaaradood oo helicopter ah ayaa ku diyaarsanaa meel 10 daqiiqo looga socdo garoonka diyaaradaha.

Labo diyaaradood oo kale – oo noocoodu yahay Black Hawk – ayaa u duulay deegaanka Abbottabad. Waxaa labada diyaaradood la socday 23 askari, turjumaan iyo hal eey. Kaddib saddex askari ayaa lagu amray inay raadiyaan Bin Laadin.

Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in mid ka mid ah diyaaradaha ay dul tagto dhismaha dheer ee uu ku jiray Usaama, kaddibna ay askarta kor uga daataan iyagoo xargo uga dagaya diyaaradda. Ujeeddadu waxay ahayd in howlgalka uu ku dhaco shanqar la’aan iyadoo aan cidna hurdada laga toosinin.

Markii ay CIA-da billaabeen howlgalka lagu soo xirayo ama lagu soo dilayo Bin Laadin bishii May 2011, dowladda Mareykanku waxay go’aansatay in aysan Pakistan ku wargelinin goorta ay diyaaradaha qumaatiga u kaca galayaan gudaha Pakistan.

Waxay ka cabsanayeen in uu qof xogtaas u gudbiyo Bin Laadin, uuna sidaas ku baxsado.

Howlgalkii lagu fuliyay Saadaam Xuseen

13-kii bishii December, 2003 ayay howlgalkan oo lagu magacaabay “Red Down” militariga Mareykanka ka fuliyeen magaalada Ad-Dawr, oo u dhow magaalada Tikrit ee dalka Ciraaq. Waxaa lagu guuleystay in Saadaam Xuseen lasoo xiro isagoo nool.

Howlgalka waxaa loogu magac daray filim soo baxay sanadkii 1984-kii.

Kaddib markii Saadaam Xuseen xilka looga tuuray dagaalkii Ciraaq, militariga Mareykanku waxay bilaabeen inay raadiyaan madaxweynihii dalka xukumayay iyo saraakiishii sar sare ee maamulka dowladdiisa.

Xog ayaa horseedday in loogu tago meel god ah oo u dhow beer ku taalla agagaarka magaalada uu kasoo jeeday ee Tikrit.

Ciidankii howlgalka fulinayay oo qorsheynaya in ay bambo ku tuuraan godka ayuu mar qura kasoo baxay Saadaam Xuseen, wuuna is dhiibay, sida uu sheegay Korneyl James Hickey oo hoggaaminayay howlgalkaas.

Xogta muhiimka ah ee lagu soo qabtay Saadaam waxaa laga helay nin Baqdaad lagu xiray maalintaas maalintii ka horreysay, sida uu korneylka sheegay.

Inkastoo goobtaas horay loo baaray, waxaa suuragal ah in markii hore uusan joogin Saadaam maadaama uu marba meel u baxsanayay.

Ma jirin wax telefoonno ama qalab kale oo laga helay goobtii lagu xiray Saadaam Xuseen, taasoo caddeyneysay in uusan wax xiriir ah la lahayn militariga Ciraaq.

Laakiin askarta waxay meeshaas ka heleen lacag dhan $750,000 oo kulligeed u sarifneyd $100, labo qori oo AK47 ah iyo boorso yar.
Mucamar Qadaafi

Markii ay kacdoonnadii carabta ka bilowdeen Tunisia bishii December 2010, Liibiya kuma aysan jirin liiska dalalka loo maleynayay inay saameynta gaari doonto durba.

Qadaafi waxaa loo arkayay inuu ahaa nin maamulkiisu istiraatiiji yahay oo ay u dul qaadanayeen shacabkiisa in ka badan inta loo dul qaatay madaxda kale ee carabta.

Laakiin ma uusan ahayn hoggaamiye u janjeera dhinaca dalalka reer galbeedka, sida madaxda kale ee carbeed.

Markii uu xoogeystay kacdoonkii dalalka carabta, dalka Liibiyana ay soo gaareen, Qadaafi wuxuu ka cararay aqalkii madaxtooyada. Waxaa la sheegay inuu aad u xasuustay sidii adkeyd ee uu ula tacaalay fallaagadii ku kacday 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii.

Wuxuu geeridiisa ula kulmay si bah dil ah kaddib markii xoogagga NTC ee kasoo hor jeeday maamulkiisa ay heleen isagoo ku dhuumanaya biyo mareen dhulka hoostiisa ah.

Wuxuu halkaas galay si uu uga badbaado duqeymo ay diyaaradaha Nato oo dalkaas faro galin ku sameeyay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo uu watay, isagoo isku doonayay inuu ka cararo magaaladii ugu dambeysay ee uu gacanta ku hayay ee Sirte.

Offiice Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here