Muqdisho (dayniiile.com)- Waxaa Magaakada Muqdisho la soo gaarsiiyay xalay waqti danbe dadkii dhaawacyada darani ka soo gaareen qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Baladweyyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada caafimaadka  Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed  ayaa hogaaminayay masuuliyiin garoonka diyaaradaha Xamar kaga hor tagay dhaawacyada.

Advertisement

Wasiirka ayaa qeyb ka ahaa gurmadkii loo fidiyay dadka dhaawacyada waa weyn qabay,waxana la gaarsiiyay Isbitaalada waa weyn ee Muqdisho.

warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dhaawacyada xamar la soo gaarsiiyay iyadoo wararka qaar sheegayaan inay yihiin 13 halka warar kalana sheegayaan inay yihiin 16.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM.

May be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and hospitalMay be an image of 2 people, clothes iron and hospitalMay be an image of 2 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here