Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel-Cadde oo 60km dhinaca Galbeed kaxiga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada maleeshiyaadka Macawiisleyda & Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen degaanka Ceel-Cadde, halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka kooxda Macawiisleyda, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho 7 dhaawac ah.

Dada degaanka Ceel-Cadde ayaa waxaa ay sheegeen in hubka cul culus oo ay is weeydaar sanayeen labada dhinac siweyn looga maqlay degaanka iyo deaannada ku dhow, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Laamaha Amniga  Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay tegi doonaan degaanka Ceel-Cadde ee lagu dagaalamay ciidamada dowladda si ay garab u siiyaan Ciidamada maleeshiyaadka macawiisleyd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here