Dagaal kulul oo Xalay Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

0

Wararka ka imaanaya saakay Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in ay xaaladu dagan tahay, kadib markii Xalay waqti Danbe halkaas laga maqlayay daryanka Hubka Culus, kadib dagal halkaas ku dhexmaray dagaalyahanada shabaab iyo Ciidmada Amisom ee halkaas fariisinka ku leh.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay, kadib weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen sadhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Arbacow ee deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay Waxay waday dagaal Toos ah iyo mid loo adeegsado Qaraxyo oo ay ku Qaado fariisimada Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom.ee Gobolada Dalka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here