Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midobey António Guterres oo isku dayayay in uu xaaladda dajiyo ayaa ka digay “in xasiloonida Itoobiya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka geeska Afrika”.

Dalka Itoobiya waxaa ku nool dad gaaraya 110 milyan, islamarkana waa mid ka mid ah dalalka sida dhaqsada ah u koraya, waxa walba oo Itoobiya ka dhacana waxaa uu yeelanayaa saameyn ballaaran .

Iyada ay taasi jirto ayaa hadana waxay dowladda fedaraalka ee Itoobiya ku gacan seyrtay baaqyada ah in qaab wada-xaajood ah lagu xaliyo muranka kala dhaxeeya xoogagga TPLF ee maamulka gobolka tagrey.

 

Taa badalkeeda waxay dowladda fedaraalka weerar ku qaaday xoogagga TPLF, waxayna xukuumadda Itoobiya sheegtay in arrintani ay tahay mid arrimaheeda gudaha quseeysa.

Dowladda ayaa ku tilmaamtay dagaalkan “howlgal amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo kana dhan ah “koox yar” oo dooneysa in dastuurka Itoobiya ay burburiso.

Dagaalkan ayaa ka dhashay xiisad muddo dheer u dhaxeysay TPLF iyo dowladda fedaraalka, balse kumannan qaxooti ah ayaa durbadiiba u qaxay dalka Sudan taasi oo muujinaysa saameynta dagaalka.

‘Saameyntu waa mid wayn’

“Dagaalka durbaba waxaa uu noqday mid gobol,” ayuu yiri Rashid Cabdi, oo falanqeeya arrimaha goboolka Geeska Afrika.

“Sudan ayuu saameyn ku yeeshay, sidoo kale waxa ku lug yeelan doona dalalka kale ee gobolka iyo kuwa ka shisheeyaba, sababtoo ah waa gobol istaraatiji ah, saameyntu waa mid wayn”. Ayuu intaa ku daray

Waxaa uu sidoo kale rumeysan yahay in dagaalkan ay Eritrea oo xuduud dheer la leh gobolka Tagrey ay sidoo kale saameyn ku yeelatay,.

Madaxwaynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa saaxib dhaw la ah rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa sido kale aan shaki ku jirin in dagaalka ka socda gobolka Tigray uu furi doono aag cusub, balse ilaa iyo imika xukuumadda Eritrea ayaa beenisay in dagaalka ay ku lug leedahay.

Waxaa sidoo kale jirta halis ah in dagaalka ay dowladda fedaraalka diiradda ku saareyso gobolka Tigray uu wiiqi karo taageeridii ay xukuumadda Itoobiya u fidin jirtay dowladda Soomaaliya, islamarkana lagula dagaalamayay Al-Shabab.

Itoobiya ayaa waxay durbaba Soomaaliya kala soo baxday ciidamo gaaraya 600 oo ku sugnaa xuduudda Koonfurta.

“Haddii xaaladu ay ka sii darto islamarkana Mr Abiy uu ku qasbanaado in ciidamada uu Soomaaliya kala soo baxo, taasi waxay noqon doontaa musiibo… waxay fursad siinaysaa Al-shabab oo dib isu so auruursanaya mar kale,” ayuu yiri Mr Cabdi oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha gobolka.

Waxaa sidoo kale arrintani la qaba hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha, oo sheegtay haddii aan dagalka si dhaqso ah loo joojin, “burbur kuma ekaan doono Itoobiya oo kali ah, balse guud ahaan gobolka geeska Afrika “.

‘Baab’idda Qarannimada Itoobiya’

Iyada oo xitaa la eegin saameynta dagaalka Itoobiya ee gobolka, ayaa hadana dadka qaar waxay ku doodayaan in dagaalkan uu wiiqi karo qarannimada Itoobiya taasi oo qudheeda gobolka ku yeelan karta cawaaqib xun.

Waxaa sidoo kale dhici karta in qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya ay ku dhiiradaan dagaal ka dhan ah dowladda dhexe.

Mr Rashiid Cabdi ayaa BBC u sheegay “waxa ada arki doonto ayaa ah in gobolada ay xiriirka ka jartaan dowladda dhexe islamarkana ay dwoladda dhexe noqoto mid aan awood lahayn oo ay muuqan wayso”.

 

Balse agaasimaha xarunta the Horn Institute, oo fadhigeedu yahay Nairobi Hassan Khannenje, ayaa qaba in rai’sul wasaare Abiy looga baahnaa in uu khadka dowladda dhexe ku soo celiyo Tigray si looga hortago xaalad ah in kuwa kale ay ku deydaan.

“Mr Abiy ayaa u arka in arrintani ay tusaale xun u tahay gobolada kale… dhaqdhaqaaqyo gooni u goosad ah ayaa waxay micnaheedu noqonaysaa in Itoobiya ay kala go’do taasi oo micnaheedu yahay inay noqto dhamaadkii Itoobiya ka qaran ahaan,” ayuu BBC u sheegay Mr Khannenje.

“In arrintan la soo afjaro waxay isu keenaysaa dalka waxayna gacan ka geysanaysaa in dalka oo mideysan ay doorasho ka dhacdo sanadka soo socda.” Ayuu intaa ku daray.

Dhanka kale dagaalkan waxaa uu horseedi karaa in kumanaan qof lagu qasbo in guriyahooda ay ka qaxaan , iyaga oo dagaalada ka cabsi qaba.

Tira badan oo qaxooti ah ayaa u talaabay dhanka xudduudda Sudan, waxaana ay hay’adaha Qaramada Midoobey ka digayaan dhibaato bina’aadanimo oo arrintan ka dhalan karta.

Dowladda Sudan ayaa aqbashay in la dhiso xero hoy u noqta 20,000 taasi oo 80km xudduudda u jirta.

Waxaa intaasi dheer in gabaabsi dhanka cunnada uu jiro , maadama gobolka yahay mid uu si ba’an u saameeyay Ayax cagta mariyay dhul badan, islamarkana imika toddobaayada soo socda laga cabsi qabo in uu dib u soo laabto, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobey.

Waxa ugu dambeeya ee loo baahan yahay

Dad gaaraya 600,000 oo shacabak ku nool gobolka Tigray taasi oo u dhiganta 10% guud ahaan shacabka – ayaa hore ugu tiirsanaa cunnooyiinka gargaarka, islamarkana ku dhawaad 7 milyan ayaa imika cunni yari wajahaya guud ahaan Itoobiya, sida ay Qaramada Midoobey sheegtay.

Haddiii uu dagaalka sii socdo waxaa sii kordhi doona tirada dadka u baahnaan doona gargaarka.

Baaxadda Itoobiya iyo istaraatijiyad booska ay kaga taallo gobolka ayay micnaheedu tahay in wax ka dhacaya Itoobiya uusan ku koobnaan doonin oo kali ah dalkaasi , haddii ay noqoto in gudaheeda ay dagaalanto amaba xitaa dhibaato bina’aadannimo.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku kalsoon in dagaalkan uu noqon doono mid muddo kooban socda , islamarkana waxaa uu ku adkeystay in arrintani tahay mid Itoobiya u taalla, balse haddii uu dagaalka sii daba dheeraado waxaa uu saameyn halis ah ku yeelan doonaa guud ahaan gobolka.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here