Waxaa sii kordhaya cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof todobaadkii u dambeeyay.
Ciidanka caadiga ah waxa ay la dagaalameen ciidamo gurmad ah oo lagu magacaabo Ciidanka Taageerada degdega ah (RSF).
Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo dalal kale ayaa waday xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.
RSF waxa ay sheegtay in ay ogolaatay xabbad joojin 72 saacadood ah sababo la xidhiidha bini’aadantinimo. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka.
Xabbad-joojintu waxay jiri doontaa laga bilaabo 06:00 (04:00 GMT) Jimcaha si ay ugu soo beeganto xafladda, ayay tiri RSF.
Laba jeer oo hore oo xabbad joojin ah oo la isku dayay ayaa ku guuldarreystay inay dhaqan gasho.
Madaxa ciidamada, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa mar sii horeysay meesha ka saaray suurtagalnimada in wada xaajood lala galo RSF.
Rajadii ugu dambeysay ee xabbad joojin ku meel gaar ah ayaa timid ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu codsaday xabbad joojin si loogu oggolaado dadka rayidka ah inay gaaraan badbaado.
Xabbad joojinta Ciidda “waa inay noqotaa tillaabadii ugu horreysay ee nasinta laga helayo dagaalka iyo waddada u xaadhaysa xabbad-joojin joogto ah,” ayuu yidhi Mr Guterres.
“Xabbad-joojintu waa mid aad muhiim u ah xilligan,” ayuu raaciyay.
Ciida waa ciida muslimiinta ee soo afjaraya soonka bisha Ramadaan.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 20,000 oo qof – oo u badan dumar iyo carruur – ay ka qaxeen Suudaan oo ay dagaallo qadhaadhi ka socdaan halkaas, si ay ammaan ugu raadsadaan dalka jaarka ah ee Chad.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale si gooni gooni ah ugu baaqay hogaamiyayaasha militariga ee dagaalamaya inay ku biiraan xabad joojin ugu yaraan ilaa Axada.
Mr Blinken “wuxuu muujiyay walaaca Mareykanka ee ku saabsan halista dadka rayidka ah, shaqaalaha bini’aadantinimada iyo diblomaasiyadda, oo ay ku jiraan shaqaalaha Mareykanka” ee dagaalka, ayay tiri waaxda gobolka.
War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Sudan ayaa lagu sheegay in Gen Burhaan uu taleefoon ka helay madaxda Turkiga, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, iyo sidoo kale Mr Blinken iyo wasiirada arrimaha dibadda Sacuudiga iyo Qatar



