Dagaalka hadii lagu qaadayo qof walba oo farmaajo la shaqaysay sida caqliga Waare & Juxa qabo, waa in laga bilaabo.

1- Dastuurka Kmg ah ee soomaaliya waa kan koowaad ee cadow noqonaya sababtuna wxaay tahay waa midka fududeeyay Awoodda uu farmaajo ku gaystay Xadgudubka lasheegayo , in taliyaha ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Nabadsugidda iyo Taliyaha booliiska hoostagaan farmaajo kuna shaqeeyaan Amarkiisa waxaa sabab u ah Dastuurka Kmg ah oo sidaa qoraya, waxa kaliya ee farmaajo dadka dheeraayna waa qodobadaas kuqoran dastuurka Oo awooddii dalka dhanka ciidanka gacantiisa galiyay.

Sidaa awgeed hadii maangal yahay Caqliga Waarihii Hirshabelle & Juxaha Puntland ee ah Farmaajo qofkii Maalin la shaqaysay waa dambiile!! Waxaa dambiga koowaad yeelanaya Dastuurka KMG ah oo ah Aabaha Farmaajo ufududeeyay awoodda laga cabaadayo.

2- xubnaha baarlamaankii hore dhamaantood waxay noqonayaan dambiilayaal, waa hadii lagu dhaqmo Caqliga foorara Juxa & Waare, sababtuna waxay tahay iyagaa dalka udooray farmaajo, wixii dhib keeno & wixii keenayna masuuliyadda kuma kala haraan.

Tan kale muddo kororsigii dalka halista u horseeday waxaa sababtiisa lahaay oo farmaajo kala shaqeeyay baarlamaankii hore, sidaa awgeed dhamaan xubnihii baarlamaankii hore Mucaarad & Muxaafid waxay noqonayaan dambiilayaal.

Waxaa laga yaabaa in aad tiraah xaggee xubnaha mucaaradka ee baarlamaanka kujiray ugu daraysaa, waxaad ogaataa sida kaliya ee ay uga baaqsan lahaayeen in ay dambiga lawadaagaan Xubnaha u codeeyay muddo kororsiga waxay ahayd in ay is-casillaan, laakiin hadaysan
Is-casilin kana mid ahaayeen baarlamaankii fitnada Muddo kororsiga abuuray, iyagana waxay qayb kayihiin foolxumada baarlamaankaas haba ahaadaano kuwo diidanaay aragtida muddo kororsiga.

Ugu dambayn waxaan leeyahay juxaha puntland & Waarihii hirshabelle sifiican haloo wada waashee eedaynta aan kasoo bilaawno Dastuurka kuna xejiya Xubnihii baarlamaankii hore, kadib waxaan imaanaynaa khayre ilayn khayre & farmaajo waxa isku keenay waa Dastuurkee , iyo dhamaan wasiiradii Xukuumaddiisa, waxaana usii daadagaynaa wasiir kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha lashaqeeyay farmaajo illaa aan kagaarno hooyooyinka nadaafadda ee Xafiisyada dowladda hagaajiya oo ah kuwa xaaqay Xafiisyo ay fadhiyaan rag dambi lagu sheegay kkkk.

Hadalka labadaas nin waxaan u arkaa
“Kaligaa waalo waa wareer halagula waasho waa wannaag” subxaanallaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here