Qarax ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa waxaa la sheegay inay waxyeelo u badan dhaawacyo ka soo gaartay agaasimayaasha TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho, Cabdicasiis Afrika iyo Sharma’arke Maxamed Warsame.

Waxaa lasoo werinayaa in labada agaasime ay dhaawacyo culus ka soo gaareen qaraxa oo hadda loola cararay goob caafimaad.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa agagaarka wasaaradda dhalinyarada oo qaraxu uu ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here