Caawa waa mid kamid ah Habeenadii ugu adkaa ee ay weeraro nocaanj oo kale ah ay wajahado Magaalada Caasimada u ah Dalka Yugreenee Kiyeef.

Sida uu sheegey Duqa magaalada Kiyeef waxaa goordhaw ka bilaawday Bariga iyo Galbeedka Magaalada Kiyeef weerardii ugu cuslaa tan iyo markii ay Xukuumadda Raashiya weerartey Dalka Yugreen 24 Bishii 2aad ee Sanakani.

Tan ayaa waxaa ay imaaneysaa kadib markii ay diyaardaha Dagaalka Wadanka Yugreen ay duqeyeen Keyd shidaal oo ku yaaala magaalada Belgorod oo 40 Kiilo miter dhinaca woqqyiga kaga began Dalka Yugren.

Lkn saraakiil sare oo u hadley Dowladda Yugreen ayaa diiday in weerarkaasi ay iyagu masuul ka ahaayeen inkastoo Xukuumadda Moscow ay weerarkaasi Dusha ka saartey Maamulka Kiyeef,Weerarada Caawa ayaa ku muuqaneya kuwa Aarkoosi ah.

Militeriga Ruushka ayaa Waxaa ay umuuqaneyaan in ay wax kabedel kusameyaan Xeelada hooda militeri ee dagaalka waana waxaa haatan laga dareemeyo gudaha Yugreen iyo furumaha hore ee Dagaalka.

Waxaa kaloo Ciidamada Ruushka soogaarey Boqolaal kun oo kala yimid Goobo kala duwan sida Bariga dhexe iyo Saaxiibada Gobalka ee Ruushka Madaxweyne Buutin ayaa wararku ay sheegeyaan in Ciidamadiisu uu ku amrey in dagaalku ay wax kabedelaan oo markan ay soo Afmeeeraan, walalow wararkaasi aan aniga Xaqiijinkarin.

By C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here