Sida war kusoo dhacay Shabakadda Dayniile sheegayo waxaa uu hadda Dagaal ka socdaa deegaano katirsan Gobolka Mudug kaas u dhaxeeya Xubno kawada ururka al shabaab.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa  ka socda deegaan lagu magacaabo Caliyaalo oo dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dadka deegaankaas ayaa Warbaahinta u sheegay in muddo dhowr saacadood ah uu dagaalku socdo, waana dagaalkii labaad oo muddo 12 saac gudahood ah Al Shabaab ku dhex mara deegaanada ku teedsan Xarardheere.

Khilaaf soo shaac baxay oo xoogaystay ayaa ka dhex qarxay kooxda khawaarijta ah ee ku dhuumaalaysanaya degaannada Galmudug,sida ay tebisey warbaahinta Dawladda Soomaaliya.

Ilo wareed la helay ayaa sheegeysa in kabadan 10 qof ay ku dhinteen dagaalka Al shabaab dhexdooda ka dhex bilowday aagga degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug,mana jirto war kasoo baxay dhinaca Shabaab ay kaga hadlayaan dagaalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here