Waxaa goor dhaw oo saaka aroortii ah qarax  xooggan uu ka dhacay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarun ay ciidamada xasilinta ee Boliis Milataariya ku leeyihiin Degmada Dayniile.

Qaraxaan oo ahaa nuuca is midaaminta ayaa lala eegtay saldhiga ciidamada xasilinta iyadoo wararka qaarna sheegyaan inay iyagu ciidanmadu fashiliyeen gaari walxaha qarxa lagu waday.

Advertisement

Kooxda Alshabaab ayaa durba ka hadlay weerarkaani waxayna xuseen inay iyagu ka danbeeyeen weerarkaasi islamarkaana ay jiraan khasaare aysan faahfaahin.

wixii war ah ee ku soo kordha qaraxaan iyo is rasaaseynta waxaad kaga bggan doontaan wararkeena xiga insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here