HALGAN (DAYNIILE.COM)-Ugaaska cusub ee Beesha Xawaadle ayaa maanta lagu caana-shubay Deegaanka Daaro-Ugaas oo hoos taga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Munaasabada Caana shubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaa ka soo qeybgalay boqolaal dad ah kuwaasoo isugu jira masuuliyiin Dowladeed ,heer Maamul Goboleed, odayaasha dhaqanka Somaliyed iyo qeybaha kale ee bulshada.

Advertisement

Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Soomaaliya C/llaahi Sambaloolshe iyo xildhibaanada faderaalka ee  reer Hiiraan ayaa ka mida masuuliyiinta  ka qeybgalay munaasabada Caana-shubka Ugaaska cusu  ee  Beesha Xawaadle.

Dadweynaha ka soo qeybgalay munaasabada  ayaa wajiyadooda laga dareemi karaa sida ay ugu qanacsan yihiin Ugaaska cusub ee maanta la caana shubay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here