ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Xamaas aqbashay qorshaha xabad joojinta iyo nabadeynta ay wadeen Masar iyo dalalka kale.

Israa’iil ayuu ku eedeeyay inay inay rabaan in dagaaladu sii socdaan oo aan marnaba guuleysan qorshaha xabad joojinta marinka Gaza.

Advertisement

“way kala cadaatay cida nabada diidan Xamaas iyo Israa’iil, Dalalka Yurub iyo Mareykanku midkoodna kuma guuleysan inay Israa’iil ku qabsbaan inay  nabada qaadato”ayuu yiri Madaxweynaha Turey

Sidoo kale wuxuu sheegay Erdogan in Mareykanka iyo Yurub aysan ku filneyn inay ku cadaadiyaan Israa’iil inay aqbasho heshiiska xabad joojinta ee marinka Gaza

Isagoo la hadlayay culimada Muslimiinta ee Istanbul, Erdogan ayaa sheegay in Xamaas ay aqbashay soo jeedin ka timid Qatar iyo Masar oo ah tallaabo loo qaaday waddada loo marayo xabbad joojin waarta laakiin xukuumadda Netanyahu ayuu ku dhaliilay inaysan rabin in dagaalka la joojiyo.

“Jawaabta xukuumadda Netanyahu waxay ahayd inay weerarto dadka aan waxba galabsan ee Rafah,” ayuu yiri Erdogan

“Oo Netanyahu miyuu u arkay wax falcelin dhab ah oo ku saabsan dhaqankiisa kharriban? Maya. Yurub iyo Ameerika midkoodna ma muujin falcelin ku qasbaysa Israa’iil xabbad joojin.” ayuu mar kale ka dhawaajiyay Erdogan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here