Sida aan wararka ku helayo magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaban qaabada shir-weyne la doonayo in beesha Murusade ku taageerto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasam Sheekh , waxaana shirkaasi maal-galinaya oo qaban qaabinaya Wasiir Xasan Macalin.
Shirkan oo la filayo in Sabtida ka dhaco Muqdisho ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in looga soo horjeedo shirkii dhawwaan ka dhacay Muqdisho, waddooyinkii la xirtay iyo sidoo kale in lakala qaado Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Abaabulka shirka waxaa wada qaar kamid ah Odayaashii dhawwaan diiday ka qeyb galka shirkii kusoo dhammaaday Hotelka Dayax iyo sidoo kale xildhibaan siyaasad ahaan isku dhaw yihiin Xasan Macalin horeyn u diiday shirkii Dayax Dayax.
Shirkan ayaana ah mid la doonayo in lagu muujiyo in beesha Murusade aysan mideysneen ayna kala socdaan, waxaana shirkan sidoo kale qolyaha wada ku muujinayaan in dowladda taageersan yihiin kuna qanacsan yihiin sida ay wax u wado Madaxweyne Xasan Sheekh .
Gacal Ayman