Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaal Xooggan oo Saaka ka dhacay Deegaanada Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose.

Al-Shabab ayaa Weerar culus ku qaaday Saldhigyo Ciidanka Dowlada ay ku leeyihiin Deegaanadaasi, qasaarooyin kala duwan ayaa ka dhashay oo ilaa iyo hada la ogeyn.

Al-shabab oo ka hadashay Weerarkaas ayaa sheegay inay Qasaarooyin kala duwan u geesteen, Ciidamadii kusugnaa Saldhigyadaasi, dhanka kalana waxa ay sheegeen, inay sidaasi oo kale hub iyo gadiidba ay ku qabsadeen in Muddo ahna ay heysteen Saldhigyadaasi si iskooda ahna ay isaga baxeen.

ilaa iyo hada Ma jirto War kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ku aadan sheegashada Al-shabab.

Xigasho isha_wararka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here