Koox hubaysan ayaa Caawa Mindiyo ku weeraray oo dhaawac xooggan u geystay wiil Soomaali ah oo aan sameyn wax dagaal ah, dhaawaca wiilka ayaana loo qaaday Isbitaalka si loosoo daaweeyo.
Weerarka wiilka Soomaali ga ah lagu dhaawacay wuxuu ka dhacay Magaaladda Istanbul ee dalka Turkey, Booliiska Turkiga ayaa si qar iska tuurnimo ah u qabanaya Ajaaniibta.
Advertisement
Soomaalida daggan Ankara ayaa Cabasho xooggan ka muujiyey Hab dhaqanka Booliiska oo u muuqda in beegsi gaar ah ay ku hayaan Soomaalida halkaas ku nool.
Ganacsiyo ay leedahay Soomaalida ayaa la xiray, Milkiilaha mid kamid ah Ganacsiyadaas ayaa iisheegay in sabab la’aan irdaha loo laabay ganacsigiisa.