HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa saaka aroortii soo qabtay xabsigana dhigay wiil 17 jir ah oo Magaalada Hargeysa xalay waqti danbe ku dilay wiil kale oo isna 18 jir ahaa.
Eedaysane oo lagu magacaabo Jimcaale Maxamed Maxamuud ayaa iminka xabisga ku jira waana sharci sugeĀ  markii uu toorey ku dilay allaha u naxariistee C/xakiin Aadan C/laahi
Booliiska ayaa sheegaya in falkaa dilka ahi uu ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa.
Sida Taliska Booliisku tilmaameen Baaritaanka kiiskaa waxa gacanta ku haya Hoggaanka Baarista Dembiyadda-C.I.D, natiijadda baadhistana waxa loo gudbin doonaa Hay’addaha garsoorka ee Maamulka Somaliland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here