MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qoraal ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Hay’ada Qaramada Midoobe waxaa loogu gudbiyay dalab ah in la xiro Xafiiska UNSOM ee ka furan Magaalada Muqdisho.

Xafiiskaan ayaa si gaar ah ugu qaabilsan UN-ka dhanka caawinta Soomaaliya dhanka horumarada siyaasada iyo Dowladnimada,balse Dowlada Somalia ayaa dalabkeda ku cadeysay in Dowladu isku filan tahay lagana baxay xiligii arimaheeda gaarka ah lagu faragelin jirey.

Advertisement

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay dowladu door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

Wasaarada arimaha dibada waxay qoraalkeeda ku cadeysay inay Dowladu sameysay dadaalo badan iyo horumaro dhanka Dowladnimada iyo isku filnaanta islamarkaana ay watigaan u baahan yihiin in la xiro gabi ahaanba xafiiskaasi.

Dowlada Somalia waxay sidoo kale qaramada Midoobe u gudbisay inay u baahan yihiin in hore loo socdo islamarkaana Dowladu sii laba jibaari doono horumarada ay ka sameysay dhanka siyaasada iyo amniga.

Warkaan ka soo baxay Dowlada ayaa ku soo aadaya xili  dhawaan dalka laga ergay wakiilka ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ugu qaabilsan Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

UN Assistance Mission in Somalia | ReliefWeb

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here