MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Nin burcad ah ayaa la soo sheegayaa inuu nin shacab ah maanta  ku dilay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka meesha ka dhawaa ayaa sheegaya in nika dhintay laga dhacay Mobile gacmeed uu watay markii uu diiday inuu dhiibo.

Advertisement

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Rabi ha u naxariistee ninka la dilay uu dagaalamay balse burcadka oo hubna watay ayaa ugu danbeyn xabad ku dhuftay kadibna goobta ayuu ka baxsaday

Ciidamada Dowlada ee ka howlgala deegaanka Ceelasha biyaha ayaa lagu wadaa inay gacan ku dhiiglaha soo qabtaan islamarkaana sharciga hor keenaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here