XARARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa kooxda Alshabaab isku soo dhiibay Maamulka Degmadaasi ee Dowlada Somalia.
Sarkaalkaan oo lagu magacabo Siidoow Cali Ibraahim ayaa ahaa madaxii xoogaga alshabaab ee ku sugan deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada Xarardheere balse xalay ayuu isku soo dhiibay Dowlada Somalia.
Sida warbaahinta Qaranka laga sheegay Siidoow ayaa mar soo noqday Sarkaalka ugu sareeya  deegaanka Jowle ee hoos taga Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug .
Ninkaan oo magaciisa afgarashada ah ku sheegay Aanas, ayaa mar soo noqday horjoogihii Khawaarijta ee ugu sareeyey deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, balse hadda wuxuu ahaa madaxa maleeshiyaad ku dhuumaaleysta aagga deegaanka Baraag Cali-Gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere, sida ay noo sheegeen saraakiisha ku sugan Xarardheere.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and beard
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here