MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Ruushka  Vladimir Putin ayaa maanta ka digay in dunidu wajaddo dagaaal caalami ah xili uu heegan geliyay ciidamadiisa Nukliyeerka

“Sida hada ii muuqata  Ruushka uma dulqaadan doono halis kasta oo kaga timaada Reer Galbeedka”ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka

Advertisement

Putin wuxuu amaanay ciidamadiisa ka dagaalamaya Ukraine isagoo dhanka kale reer galbeedka ku dhaliilay inay hurinayaan Colaad dunida ka qaraxda.

Madaxweynaha Ruushka wuxuu xusay inay iyagu rabin dagaal caalami ah balse aysan dhanka kalana aqbali karin in la handado.

“Russia waxa ay sameyn doontaa wax walba oo ay uga hortageyso dagaal caalami ah, hase yeeshee isla markaana cidna kama ogolaan doonno inay na handado.

“Ciidamadeena mar kasta  waxay ku jiraan heegan talaabadii nalagu qasbana waana qaadeynaa,” ayuu yiri Putin

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here