Waxaa Socda dadaalo balaaran iyo baaritaano lagu xaqiijinayo in la helo tirada dhabta ah ee ku geeryootay iyo kuwa ku dhaawacmay ee ka tirsanaa Ciidamo tababar loo geeyay Eriteria iyo Itobiya.

Arintani waa Qiyaamo Qaran in Ciidamo ka howlgelaya ama ka dagaalamaya dal shisheeye oo uusan Baarlamaanku ogolaan in dagaal ay ku halaagmeen la geliyo Ciidamadeena tababarka u joogay dalalkaa. Waana in ay baarlamaamka oo wakiil ka ah Shacbigu ay arintan jawaabta kaga aadan ka keenaan Dowlada.

Marna ma jiro in ciidan dagaal la geliyo oo aan khibrad u laheyn deegaanka ay ka dagaal gelayaan iyo waayo aragnimo ciidan. Aysana hogaamineyn Saraakiishoodu. Ugu horeyn waxay u baahan yihiin agab iyo tasiilaad ku filan iyo tababar gaara oo ku saabsan halka ay ka howlgelayaan. Iyadoo ay muhiim tahay inay hogaaminayaan saraakiil wadani ah oo ay isku af yihiin.

Hadaba waa Muhiim in arintan si foojignaani ku jirto loo abaaro. Xaqiiqadana aan la iska ondha tirin. Dad baa Ubadkoodu maqan yahay nolol iyo geeri ku heyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here