Deni iyo axmed madoobe oo walwal ka muujiyay ciidanka haramcad ee jooga dhusamareb

0

Kadib dalab ka yimid Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ahaa in si degdeg ah Ciidanka Haramcad looga saaro Magaalada Dhuusamareeb oo tan iyo Doorashadii Galmudug fariisin u aheyd ayaa lafilayaa in maalinta bari ah laga daabulo Cutubyada halkan ka jooga ee Haramcad .

Madaxweyne goboleed Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxweynaha Galmudug u sheegay in Ciidanka Haramcad ay yihiin kuwo ka amar qaata Xukuumadda Soomaaliya oo aysan hoos imaan Galmudug, sidaas darteedna aysan isku aaminin meel Haramcad joogto in shir ay uga qeyb galaan.

Cutubyada Haramcad ee Dhuusamareeb jooga oo ku dhow 200 oo askari ayaa bari loo daabuli doonaa Muqdisho, sida aan ka soo xiganey saraakiisha Ciidamada , iyadoo markaa kadibna ay Imaan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Juballand oo diidmadu xagooda ka timid .

Haramcad oo madaxweynaha Galmudug aad ugu kalsoonaa awoodooda mudadii Doorashadu

socotay ayaan la ogeyn in ay dib ugu soo laaban doonaan booskooda ay baneynayaan.

Wariye Maxamed Rooraaye

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here