Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in madaxdii Puntland ee isaga ka horreysay ay ku darsan jireen waqtiga xilheyntooda, taasoo uu sheegay in aysan wax dhib ah lahayn.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Siyaasyiin kasoo jeeda degaannada Puntland ay qaveen l tuhunka ku aadan in madaxweyne Deni uu qorsheynayo inuu sameysto muddo kororsi, taasoo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay ka digeen, sheegeena inay horseedi karto qalalaase siyaasadeed.

“Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doortaan. Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado. Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,”ayuu yiri Deni.

Inkastoo Deni uu hadalkaan yiri, haddana wuxuu sii raaciyay in waxa meesha yaalla aanay ahayn ku darsi, balse ay tahay sidii loo dhisi lahaa golayaasha deegaanka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here