Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka Obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe ay ku dileen Ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sii sheegay in Howlgalkaan lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo doonayay in ay u gurmadaan Ciidanka ka tirsan kuwaas oo Ciidanka ay dagaal ku qaadeen, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda.

Howlgalkaan ayaa ku soo aaday Maalin ka hor markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo joogay deegaankaan.

Guud ahaan Goballada Dalka ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah AL-Shabaab, iyaga oo Ciidanka Xoogga Dalka ay maalnimadii shalay lawareegeen deegaanka AL-kowthor oo ka tirsan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo ka wada tirsan Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ahna goobihii ay ka soo ifbaxeen kacdoonka Bulshe ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa deegaanno dhawr ah waxa ay kala wareegeen Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano gacanta ku hayay deegaanno hoosta Gobolladaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here