Saaka abaaro 10:30

ARINTAN CAJIIBKA AH, WAXAA SOO QORAY NIN LA YIRAAHDO MOHAMMED SULUB.

Dhacdo maanta igaga dhacday Madaxtooyada Qaranka Soomaliya .

Saaka abaaro 10:30 aniga oo ballan ku leh Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa aniga oo maraaya irrida hore ee madaxtooyada waxa I afduubtay nin la iigu sheegay inuu yahay Beesha Abgaal ahna qoyska Madaxweynaha iyo niman la socday, mudo 6 saacadood ah oo ay I haysteen iima sheegin haba yaraatee waxa ay igu haysteen, waxa la ii geystay jidh-dil sidoo kale waxa la iiga qaaday mobilada sidoo kale waxa la koobiyeystay shahaadooyinkayga/documentationkeygii oo aan gacanta ku sitay markii la I afduubtay.

Hore waxa aan u ahaa Shaqaalaha Madaxtooyada & lataliyaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada balse dhawaan ayaa iyadoo sabab la ii sheegin la iga joojiyey shaqada sidoo kale mushaharkaygii waa la goostay, iyadoo dulmigaas la igu sameeyey ayaan haddana iska samray balse intaas la iigama harin.

Hadda waxa aan dareemayaa Nabadgelyo darro maadama Madaxtooyada dhexdeedda la igu afduubtay 6 saacadood oo xiriir ah.

Waxa aan shacabka Soomaaliyeeed iyo Ehelkaygaba la socodsiinayaa in laga bilaabo caawa wixii I soo gaadhaa ay ka masuul yihiin qoyska Madaxweynaha Soomaliya M. Xasan sheekh Maxamuud.

aniga oo ballan ku leh Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa aniga oo maraaya irrida hore ee madaxtooyada waxa I afduubtay nin la iigu sheegay inuu yahay Beesha Abgaal ahna qoyska Madaxweynaha iyo niman la socday, mudo 6 saacadood ah oo ay I haysteen iima sheegin haba yaraatee waxa ay igu haysteen, waxa la ii geystay jidh-dil sidoo kale waxa la iiga qaaday mobilada sidoo kale waxa la koobiyeystay shahaadooyinkayga/documentationkeygii oo aan gacanta ku sitay markii la I afduubtay.

Hore waxa aan u ahaa Shaqaalaha Madaxtooyada & lataliyaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada balse dhawaan ayaa iyadoo sabab la ii sheegin la iga joojiyey shaqada sidoo kale mushaharkaygii waa la goostay, iyadoo dulmigaas la igu sameeyey ayaan haddana iska samray balse intaas la iigama harin.

Hadda waxa aan dareemayaa Nabadgelyo darro maadama Madaxtooyada dhexdeedda la igu afduubtay 6 saacadood oo xiriir ah.

Waxa aan shacabka Soomaaliyeeed iyo Ehelkaygaba la socodsiinayaa in laga bilaabo caawa wixii I soo gaadhaa ay ka masuul yihiin qoyska Madaxweynaha Soomaliya M. Xasan sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here