Weerarkii ka dhacay Shaley Galab hotelkii Afrik ee Magaalada Moqdisho Dadkii ku geeriyoodey waxaa kamid ahaa Fahad iyo Farxiya oo halkaas Todobabax u joogey.

Waxaa ay kujireen Maalmahoodii Qiimaha badnaa Lkn waxaa Nasiibdaro waxaa ay kamid noqdeen Dadkii kubaxay Gacanta kooxdii ka tirsaneyd Dagaalamayaasha Al shabaab ee weerarka ku qaaday huteelkaas.

Waa dhacdadii 2aad oo aan maqlo oo runtii aad iisaameeeyey tii tan ka horeysey waxaa ay dhacay Qaraxii musiibada ahaa ee Zobe 14 Octoober 2017.

Qof ayaa dhacadaasi iiga waraneya ayaa waxaa uu ii sheegey in musiibadaasi ay kubexeen Lamaane markaas un Arooskoodii ka soobaxay kuna siijeedey Guriga Gabdha maa daa maa ay ahayd todobo Maalin kadib Arooskoodii.

Dhabtii waxaan Talal ahaan ku soojeedin lahaa in Dadka aqalgaleyaa si walboo ay dhaqaale u haystaan aaney Huteelada Aroosku galin oo ay Guryaha iimaan Sadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here