TEHRAN (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Iiran ayaa ugu dambeyn Goor dhaw  lagu xaqiijiyay inuu geeriyooday Madaxweynihii Dalka Iiran Ebrahim Raisi kaasoo shalay ay la dhacday diyaarad uu saarnaa.
Sidoo kale waxaa shilka ku dhintay wasiirkii arrimaha dibadda Iran Hossein Amirabdollahian oo la saarnaa diyaarada Madaxweynaha.
Guud ahaan diyaarada waxaa saarnaa 9 ruux sida Madaxweynaha, wasiirka arimaha dibada,barasaabka  iyo 6 kale kuwaasoo dhamaantood la rumeysan yahay inay shilka diyaaradeed ku geeriyoodeen.
Dowlada Iiran ayaa lagu wadaa inay baroor diiq u sameeyaan  masuuliyiinta shilka ku geeriyootay.
Hogaamiyaha ugu sareeya Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in aysan jiri doonin carqalado lagu sameeyo sida Iran loo maamulo.
Madaxweyne ku xigeenka Iran ayaa la wareegi doona awoodaha madaxtinimada, waxaana doorashada cusub la qaban doonaa 50 maalmood gudahood.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here