MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta khudbadii jimcaha kadib arimo badan ka hadlay ayaa mar kale soo hadal qaaday damaca Itoobiya oo hore uu marar badan uga hadlay.

Madaxweynuhu wuxu xusay in ujeedka damaca Itoobiya uusan ahayn wax hada soo bilowday balse uu yahay mid soo jireen ah .

Advertisement

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ogadaan u jeedka damaca Itoobiya waa soo jireen, wuxuu ku dhammaan donaa kiiskaan sida isku dayadii hore ee soo jireenka ahaa, mana jirto wax lagu badalan karo Baddeena.“ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan wuxuu ku eedeeyay Abiy Axmed inuu damaciisu yahay sidii uu uga faa’iideysan lahaa duruufta xiligaan ay ku jiraan Dowlada iyo dadka Soomaaliyeed.

“abi axmed wuxuu rabaa inuu soo celiyo damacii Itoobiya waligood ku taami jireen taasoo sidii ay bad ku heli lahaayeen,wuxuu hada isku dayayaa inuu ka faa’iideysto duruufta aan u jirno”ayuu yiri Madaxweyne Xasan

Wuxuu ku eedeeyay Abiy Axmed iyo iyo Dowladiisu  inay is tuseen inay inay ka faa’iideystaan soo kabashada ay Soomaaliya ku jirto islamarkaana ay is leeyihiin ka faa’iideysata inteysan Somaliya cagaheeda isku taagin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here