Wafdi ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaaray Dalka Mareykanka kuwaasoo uu hor kacaayay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha caafimaadka Xildhibaan Dr. Cabdirashid Maxamed Nur (Jilley) .
Masuulkaan ayaa  booqday aqalka looga arimiyo Magalaada Ohio ee dalka Mareykanka xili si weyna loo soo dhaweeyay.
Dadka soo dhaweeyay ergeyga Madaxweynaha waxaa ka mida Xildhibaan Ismaaciil Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka hoose ee Magaalada Ohio, Columbus.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashid Jilley ayaa kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Columbus Ohio, waxayna booqashadaas kamid eheyd safaro gaar ah oo ergayga uu ku gaaray dalka Mareykanka.
Jaaliyada Soomaalida iyo ergeyga Madaxweynaha ayaa isla soo qaaday arimaha Somalida gaar ahaan horumarada Dowladu ku talaabaatay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here