Dib u dhaca Ciidanka Qaranka Soomaliya

0

Waxaan ognahay in Nabad iyo Nolol ay la yimaadeen dar dargelin dhanka ciidanka, iyagoo doonayey inay dib u habeyn weyn ku sameeyaan ciidanka soomaaliya balse waxey sameeyeen mid taa ka soo horjeeda. Waxaan ku qeexi karaa burburin ciidan qaran si aan looga soo kabsan waqti dheer.

Hadalkeygaan ma aha mid aan ka soo xigtay ilo kale balse waa war sax ah oo la taaban karo. Waa run in ay isku dayeen dib u habeyn laakin ma noqon sideey rabeen, balse waxey ka badin waayeen payroll ama mushaar diyaarin tanba waa positive. Haddaba aan dul istaago burburinta ay ku sameeyeen ciidanka Somaaliya, kolley waxaan is leeyahay waxa si ka ah la taliyayaasha dhanka militariga waayo haddey jiri lahaayeen rag khabiiro ah waxbaa muuqan lahaa ama dib u habeyn baa iman laheed. Wiilal food dheerayaal aan weligood ciidan arkin baa la dhigtay la taliye dhanka amniga iyo ciidanka bal waa kaa ee meel hala gaaro.

Xilliggodi saa buu ku dhamaaday sidey talo xumo iyo go aan xumo ugu jireen 3 sano iyo bar.
Haddaba aan ka billaabo meesha ay wax ka quruntay: Sidaan la socono darajooyinka ciidan bixintooda waxaa u dhexeeya 4 sano shaqo adag ay ka dambeyso, manta ma is ledahay xafiisyada ciidanka inay shaqo adag taalo, mushahar baa lagu sugaa ee uma yimaadaan inay isbedel ay keenaan subax walba.

Walaalyaalow bal ila fiiriya raggaan manta ciidanka u sarreeya ay Nabad iyo Nolol ay abuureen

1.Taliyaha ciidanka qaranka(32 sano) waa s/guuto. Darajadaan 50 jir baa lagu qaataa(Formajo)

2.Taliyaha ciidanka dhulka wax aqoon ciidan ma leh keliya 4.5 vs Hawiye(Formajo)

3.Taliyaha boliiska wax aqoon ciidan boliis ma leh keliya afaaro qabiil buu ku joogaa(Formajo)

4.Taliyaha asluubta 4.5 buu ku yimid aqoon ha ka hadlin iska shub(Kheyre)

5.T/xig boliiska laandheere dhanka Cabdi qaybdiid lana siiyey from 2xidgle to s/guuto(Kheyre)

6.T/xig 2aad boliiska weligeed ciidan ma arag 4 sano gudaheeda s/guuto(Kheyre)

7.Taliyaha boliiska gobolka banadir from zero to s/guuto(Kheyre)

8.Taliyaha waaxda socdaalka ex Alshabab Korneel(Kheyre)

9.Taliyaha Danab from xidgle to gaashanle(Kheyre)
10.Taliyaha Gorgor 5 sano keliya ciidan g/dhexe(Kheyre)

11.Taliyaha c Cirka overage 84 sano central Bank(kheyre)

Waa kaa halka aan ku sii jeedno! Hiigsi iyo Horumar baa u ah hal ku dhig.

Marka xiga awood qaybsiga ciidanka soomaaliya iyo hawlahooda.

Intaan aan soo xusay haddii manta ay la kulmaan dhigooda wax ay ka bilaabaan wallee inuusan jirin waa halkan marka aan soo qaatay burburin ciidanka qaranka.
Madaxa wararka  Ahmed Kalaa

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here