Sida aan ku haleeno ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in halista laga qabo Qarxyo ka dhacaan Caasimadda Muqdishu inkastoo Hay’adaha amniga Soomaaliya ay ka digeyn weeraro xooggan iyo qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab qorsheyneyso inay ka fuliso Muqdisho, sida ku cad qoraalka digniinta oo ay aragtay Shabakadda Dayniile

Digniinta oo loo diray ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay qorshaynayso in gaari noociisu yahay Fiat 110 xamuul ah oo ay ka soo buuxisay walxaha qarxa ku weerarto xarumo ka mid ah kuwa dowladda.

Goobaha la xusay, ee ay suurta-galka tahay in Al-Shabaab ay beegsato, ayaa waxaa ka mid ah xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, xarunta Taliska Ciidanka Xoogga iyo Xerada Damaanyo oo ay degan yihiin Ciidanka Gorgor sida ay ogaatay digniinta ay aragtay Shabakadda Dayniile in Muqdishu wajahi karto xaalada amni oo qatar ah ku ah bulshada magaalada.

Xogta laga helay Al-Shabaab ayaa ah in ay doonayaan in gaadiid ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ay ku weeraraan bartilmaameedyada ay ka mid yihiin; hoteellada ku yaalla Xeebta Liido, koontaroolada laga ilaaliyo madaxtooyada qaranka, iyo xarunta taliska booliska ee qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Waxaa jira habab badan oo laga bartay qarxyada fuliyaan Al-Shabaab  inay adeegsan karaa baabuur ay ka mid yihiin Runeed kalarkeedu yahay buluug, Layla kalarkeedu yahay cagaar, iyo Dayno kalarkeedu yahay caddaan.

Sidoo kale  digniinta lagu sheegay in weeraradan loo adeegsan karo baabuur, haddana waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Al-Shabaab ay weerarada u adeegsato shaqsiyaad soo xirta jaakadaha qaraxyada.

Sikastaba ha ahaate bilihii tegay Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyadeeda u weecisay shaqsiyaadka xirta jaakadaha qarxa ee is-miidaamiya, kadib markii ay hay’adaha ammaanka inta badan ka hortageen baabuurta laga buuxiyo walxaha qarxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here