Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha lagana soo kala xulay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya diieaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo diwaangelinta soo bilaabay 8-dii Bishaan ayaa diiwaangeliyay ilaa 32 Musharrax, waxaana Maanta la filayaa in la diiwaangeliyo Musharrixiin kale oo doonaya inay ku tartamaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Maalinta Berito oo Arbaco ah ayaa waxaa bilaaban doonta khudbadaha ay musharrixiinta u jeedin doonaan Xildhibaannada labada Aqal oo ku shiri doona Teendhada Xerada Ciidamada Cirka Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

15-ka Bishaan oo ku beegan Maalinta Axada ah ee soo socota ay qorshuhu yahay hadii aan wax isbedelin in la qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doona musharrixiin qaarkood horay Madaxweynayaal uga soo noqday Soomaaliya iyo kuwo cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here