Magaalada Beled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa xalay lagu dilay mid kamid ah mas’uuliyiinta xaafadaha Magaaladaasi

Koox hubeysan ayaa xalay xaafada Buundaweyn ee magaalada Beledweyne waxay ku dileen Guddoomiye Ku-xigeenkii Xaafada Buundweyn oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Muxumed (Kuukay dheere).

Goobjoogayaal sheegay in kooxihii dilka fuliyay ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaas gaaray ciidamada booliska Beledweyne oo howlgallo baaritaano ah sameynaya illaa saaka.

Inkastoo dilalka noocan ah looga bartay Al-Shabaab haddana weli ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada dilkan oo qeyb ka noqonaya dilal fara badan oo horey magaalada Belad-weyne uga dhacay.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here